Wasiir Goodax “Ma jiro Maamul si aan sharciga waafaqsaneen aan u soo Magacaawnay”

0
1001

Godax20140304Isagooo ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliyeed Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayuu faah faahin ka bixiyay su’aalo dhowr ah oo Baarlamaanku weydiiyay.

Wasiirka oo ay weydiiyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in siyaabo qaldan uu u dhisay Maamuladda deegaanno iyo degmooyin Gobollada dalka ah ayaa iska fogeeyay eedaasi islamarkaana u soo qaatay qodobo kua aadan hanaanka uu u maray Maamuladdaasi dhismahooda oo waafaqsan dastuurka dalka.

Dhanka kale Wasiirka oo la weydiiyay in ay jiraan Musuq Maasuq lagu sameeyay Gar gaar dowladdu ay qorsheysay deegaanada Al Shabaab lagala wareegay gacan ku heyntooda ayaa sheegay in taasi ay si aad ah uga taxadartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna u saartay guddiyo dabagal ku sameeya si dadku ay qaab cadaalad ku dhisan uga faa’ideystaan howlahaasi gar gaar ee iyaga loogu tala galay.

Ugu dambeyn Wasiirka oo ka jawaabayay in qaab garab ka taabasho ah loogu soo dhisay Maamulada qaar ee Gobollada dalka sida Maamulka Gobolka Hiiraan Guddoomiyaha loo Magacaabay oo ay tusaalo ugu soo qaateen ayaa carabka ku adkeeyay in taasi ay tahay bor bogaan laakiin dowladda ay dib u eegis ku sameyso soo gudbinta waxgaradka deegaanada Maamulka loo sameynayo sidaasna uu ku yimid Guddoomiyaha ay Xildhibaanadu carabaabeen.

Shabelle