Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ee dowladda FS oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Tunis

0
1168

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane ayaa waxaa ku soo dhoweeyay maanta garoonka diyaaradaha Magaalda Tunis ee caasimadda wadanka Tunisia Wasiirka Arrimaha Dibadda wadankaasi H.E. Mongi Hamdi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Horumarinta Afrika.

Kulankani oo horudhac u ah kulamo balaaran oo wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kala yeelan doonaan mas’uuliyiinta Bankiga Horumarinta Afrika iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Tunisia ayaa waxaa muhiimadiisu ay tahay sidii dowladdu ay u heli laheyd deeqaha maaliyadeed ee Bankiga ugu tala-galay Soomaaliya iyo abuuridda fursado maalgeshi oo shirkadaha wadanka Tunisia ay ka sameeyaan dalka Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu kulan dhexmaro Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka , iyadoo kulankaasi lagu falan-qeyn doono baahida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabto helidda balan-qaadyada maaliyadeed iyo mashaariic ee ku qotama horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Waxaa la rajeynayaa in kulamada Wafdiga Wasiirada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula yeelanayaan wasiiro ka tirsan dowladda Tunisia iyo Madaxda Bankiga horumarinta Afrika ay ku dhammaadaan natiijo waxgal ah, kadibna ay uga safraan dhanka Wadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

 

XalaneAndBeileInTunis20140427_2 XalaneAndBeileInTunis20140427_1