Wasiirka Amniga Qaranka C/karii Xuseen Guuleed oo ka hadlayay is bedelada lagu sameynayay gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aanay waxba u dhimi doono ammaanka caasimada Muqdisho.
C/kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo jimco walba ka baxa Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda ayaa sheegay inuu rajeynayo in Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka inay sare u qaadaan sugida amniga Muqdisho.
“Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka waxaa is leeyahay inay marxalada meesha ay hada joogto ee ammaanka inay sare u qaadi doonaan, waxaa aaminsanahay in amniga uu wanaagsanaanayo mooye in aanu ka sii dari doonin”ayuu yiri Wasiir Guuleed.
Mar la weydiiyay qorshayaasha Xukuumada ee dhismaha maamulada degmooyinka ayuu xusay inay rajeynayaan in dhowaan laga baxo magacaabida, ayna bedesho in dadka ay soo doortaan cidii matali laheyd.
“Heerka Amniga hada la joogo in la dhameystiro, sidii degmooyinka iyo deegaanada doorasho loogu gudbi lahaa, inuu meesha la baxo soo magacawga, in dadka ay soo doortaan cidii matali laheyd ayuu qorshuhu yahay”ayuu yiri Wasiir C/kariin Guuleed.
Wasiir Guuleed ayaa xusay in Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Gobolka Banaadir ay yihiin dhalinyaro aqoon leh, taasoo uu tilmaamay in sababta loo soo xushay ay qeyb ka tahay in is bedel la taaban karo in caasimada ku soo kordhiyaan.
Is bedelada lagu sameynayay Gudoomiyeyaashii mudada xilka hayay ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegaa inuu ahaa qorshe guud oo dowladda dhan ogeyd, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu awood u siiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inuu is bedel ku sameeyo Gudoomiyeyaasha, isagoo la kaashanaya Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.
Jowhar