Wasiirka Amniga Qaranka oo dhaleeceeyey dilkii shaqaalaha UNODC ee Gaalkacyo

0
953

CabdikarimGuleed20131222Wasaaradda Amniga Qaranka ee Dawladda Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay si wayn u dhaleecaynayaa dilkii maantay magaaladda Gaalkacyo loogu geystay laba mas’uul oo u shaqaynayay Qaramada Midoobay UNODC.

“Waxaan si weyn u dhaleecaynayaa falkii guracanaa ee lagu dilay labada mas’uul ee u shaqaynayey Qaramada Midoobay, kuwaas oo u joogay dalka in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed. Dilka loo geystay mas’uuliyiintan waxay dhibaato ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan adduunweynaha oo dhan. Waxaa naga go’an haddii aan nahay Dawladda Federaaliga ah iyo Dawlad Goboleedka in aan baariiraan dhab ku sameyneyno isla markaana aan gacanta ku soo dhigno ciddii geysatay dilkan, waxaanan halkan uga diraayaa tacsi ehelkii iyo asxaabtii ay labada mas’uul ka geeriyoodeen iyo bahda Qaramada Midoobay,” ayuu yiri mas’uul ku hadlaayey magaca Wasaaradda Amniga Qaranka.