Wasiirka Haweenka oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah dumarka Soomaaliyeed

0
926

KhadijoMaxamedDiiriye1Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta kulan qado sharaf ah u sameysay qaar ka mid ah haweenka kala qeyb galay shirkii ay New-yorka uga soo qeyb gashay oo ka socday ururka tala wadaag ee ka dhisan magaalada Garawo.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Muno Ibraahim Abiikar qaar ka mid ah dumarka ku jira baarlamaanka Soomaaliya, haween ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Xaliimo Ismaaciil Ibaahim Xaliimo Yareey Gudoomiyaha dalladda urarada bulshada rayidka ahna u ololokeeyaha arimaha dumarka iyo xuquuqdooda oo iyaduna kamid aheyd xubnaha wafdigii wasiirka haweenka kala qeyb galay shirkii 58 aad ee guddiga xaaladaha haweenka ayaa ugu baaqday dumaka Soomaaliyeed in ay midoobaan si ay u gaaraan himiladooda ku aadan horumarka dhinaca siyaasadda.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo hormarinta xuquuqda aadanaha oo khudbad ka jeedisay gabagabadii kulankaasi ayaa sheegtay in kulankan uu bilaw u yahay kullamo ay wasiirku la qaadan doono haweenka Soomaaliyeed iyadoo ugu baaqday iney midoobaan kana wada shaqeeyaan horumarinta dalka iyo dadka.

Radio Muqdisho