Wasiirro hor tagaya baarlamaanka

0
1056

Barlamaanka20131202_1Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa su’aalo la xiriira howlaha wasaaradahooda waydiin doona wasiirrada amniga qaranka iyo arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka amniga qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed oo golaha uu shalay waydiiyay su’aalo ayaa lagu wadaa in maantana la weydiiyo su’aalo kale oo la xiriira amniga dalka, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka oo shir guddoominayay kulankii shalay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isagana u ballansan inuu baarlamaanka hor yimaado gelinka dambe ee maanta, si wax looga weydiiyo howlaha wasaaraddiisa.

Su’aalo waydiinta wasiirrada ayaa qeyb ka ah barnaamijka la-xisaabtanka xukuumadda ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Bar-kulan