Wafdi wasiirro ah oo ka socda maamulka Puntland ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo eee xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland, Cabdiweli Xirsi Indho-guran ayaa xubin ka ah wafdiga, waxayna kulamo la qaateen mas’uuliyiinta iyo qaybaha bulshada Gaalkacyo oo ay kala hadleen arrimo ku saabsan amniga iyo horumarka gobolka.
Mas’uuliyiinta ayaa dadweynaha ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaalka lagu doonayo nabadda iyo horumarka.
Wasiirradu wali lama aanay hadlin warbaahinta, waxaase la filayaa in ay booqashadooda gogol-xaar u tahay socdaal la filayo inuu Gaalkacyo ku tago madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali.
Bar-kulan