W/Gaashaandhigga oo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Khartuum

0
1209

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa xalay gaaray magaalada Khartoum ee Caasimada Sudan, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono dhiggiisa dalkaas.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Xukuumadda Sudan iyo Diblomaasiyiinta Safaarada Soomaaliya ee Khartoum, waxaana wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga la dejiyay mid ka mid ah Hotellada ugu waa weyn Khartoum.

Maxamed Sheekh oo la hadlay warfidiyeennada ayaa sheegay in booqashadiisa Sudan ay la xiriirto, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sudan, waxaana uu xusay in casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Sudan.

“Waxaa casuumaad ka helay wasiirka gaashaandhiga Sudan C/raxiin Maxamuud Xuseen, waxaana kala hadli doonnaa arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal iyo sidii labada Wasaaradood ay u wada shaqeyn lahaayeen loona sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dhinac” ayuu yiri Maxamed Sheekh.

Wasiirka ayaa sheegay in booqashada uu ku jooga magaalada Khartun ay qaadan doonto muddo Afar cisho ah.

Radio Muqdisho

 

MaxamedSheekh20140426_2 MaxamedSheekh20140426_1 MaxamedSheekh20140426_3