Xaaladda Magaalada Mombasa Oo Kacsan, Kadib Markii Xalay Lagu Dilay Sheikh Abubakar Shariff Ahmed

0
1299

MombasaWaxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib markii xalay lagu dilay Sheikh Abubakar Shariff Ahmed (Makaburi). Oo ahaa wadaad can ka ahaa dalka Kenya gaar ahaan Magaalo xeebeedka Mombassa ee dalka Kenya.

Sheikh Abubakar Shariff Ahmed oo ka mid ahaa Culima’udiinka sida weyn looga garanaayo Magaalada Mombasa, ayaa waxay Xoogag hubeysan ay xalay ku dileen Bartamaha Magaalada Mombasa kadibna ay isaga baxsadeen goobta.

Muslimiinta ku dhaqan Magaalada Mombasa, ayaa si weyn uga carooday dilka ka dhanka ah Sheekh Makaburi, iyagoo Dowladda Kenya ku tuhmaya dilka Sheekha.

Wadaadka geeriyooday, ayaa waxay horey Dowladda Kenya ugu eedeysay in uu gacan saar la lee yahay Xarakada Al Shabaab, iyo kooxda AL Hijra ee ka dhisan dalka Kenya, isla-markaana uu yahay nin xagjir ah.

Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Mombasa, ayaa soo sheegaaya in laga cabsi qabo rabashado ka dhaca Magaalada Mombasa, oo markaasi looga soo horjeedo dilka Wadaadkaasi caanka ka ahaa magaalada Mombassa.

Masuuliyiinta dowladda Kenya ayaanan weli ka hadlin dilka Sheikh Abubakar Shariff Ahmed, iyadoo ay xusid mudantahay in Magaaladaasi horay loogu dilay wadaado caanka ahaa dalka Kenya oo dadka Muslimiiinta e ku nool magaaladasi ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan Ciidamada Boliiska Kenya ee Magalada Mombassa ee dalkaasi.

Shabelle