Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, iyadoo xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada, Maxamed Cali Axmed.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, taas oo lagu magacaabay Axmed Cismaan Dhoorre inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab.
Isniinta soo socota ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha cusub uu la wareego xilka.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada isbeddelo dhinaca maamulka ah oo uu ku sameynayo guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka.
Bar-kulan