Iyadoo shalay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay dood adag ka yeesheen qaadashada Baasaboorka dalka iyo Kaararka Aqoonsiga muwaadininimada, ayaa xubno kamid ah baarlamaanka waxa ay ku baaqeen inay go’aan ka qaataan jahwareerka ka taagan qaadashada kaararka.
Xubno kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlaye fadhigii shalay Baarlamaanka uu yeeshay, ayaa goobta ka sheegay in marwaliba aysan habooneyn in jahwareer uu taagnaado, muhiimadana ay tahay helida Baasaboor iyo Kaarar Aqoonsi.
Waxa ay si aad ah udhaliileen hanaanka loo maro qaadashada kaararka Aqoonsiga oo dhibaato adag ay ka taagan, marka laga soo tago qarashaadka lagu bixiyo helidiisa.
Muwaadiniinta ayaa dhib adag iyo laaluush bixin badan kala kulma halka goob ee laga qaato Kaarka Muwaadininimada dalka Soomaaliya.
Arinta la yaabka leh ayaa waxa ay tahay in Kaar aqoonsi ah oo lasiiyay muwaadin Soomaaliyeed uu yahay mid waqti leh oo dhacaya, sida hada ku qoranba kaararka Muqdisho laga qaato.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta la filayaa inay go’aan rasmi ah ka qaataan arimaha ku aadan kaararka aqoonsiga muwaadininimada.
Warkii