Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Xirsi oo xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay.
Xildhibaanka oo isagoo ku sugan degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo wareysi siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa iscasilaaddiisa sabab uga dhigay inuu u muuqan waayay isbeddelkii iyo horumarkii uu filayay inuu ka hirgalo Soomaaliya tan iyo markii ay baxday xilligii kumeel-gaarka ahaa.
Wuxuu tilmaamay in uu baarlamaanka ku matalayay dad u soo xulay inuu xilkaas qabto oo ka sugayay waxqabad xildhibaannimo, taas oo uu xusay in ay ula muuqatay inaysan hadda ka suurtagalayn Soomaaliya.
Cabdullaahi Maxamed Xirsi ayaa sheegay inuu iscasilaaddiisa kala tashaday qaar ka tirsan dadkii ku soo daray baarlamaanka iyo saaxiibbadiisa dhinaca siyaasadda.
Wuxuu caddeeyay in kursiga uu banneeyay uu dib ugu celiyay bulshadii uu matalayay, isagoo intaa ku daray in uusan ka wada bixin siyaasadda Soomaaliya.
Bar-kulan