Xog laga helay ninkii dhawaan Nairobi isku qarxiyay

0
1232

QaraxNairobi20140424Booliska wadanka Kenya ayaa laga soo xigtay in ruuxii waday gaari dhawaan ku qarxay albaabka hor saldhig boolis oo Nairobi ku yaala uu horey uga tirsanaa mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee ka cayaara horyaalka dalka Kenya KPL la yiraahdo.

War ay boolisku soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in ruux hadda la tuhunsan yahay magaciisa la yiraahdo Cabdul Haajara ayaa ka tirsanaa koox kubbada cagta cayaarta oo ka dhisan degaanka la yiraahdo Majengo ee dalka Kenya.

Cabdul Haajara ayaa gurigiisa laga waayay sanadkii 2010 waxaa ehelkiisu u sheegeen warbaahinta dalka Kenya inay tuhmeen inuu inta Soomaaliya soo aaday uu ku biiray Xarakadda Al-Shabab.

Aabaha Cabdul Haajara ayaa u sheegay wargeyska The Standard ee Nairobi kasoo baxa in wiilkiisa ugu war dambeysay sanadkii 2010 mar uu shahaadada Bach,ka ka qaaday jaamacadda.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaya in Cabdul Haajara uu ahaa ruuxa waday gaarigii maalmo ku qarxay saldhig boolis oo ku yaala xaafadda Pangani ee Nairobi kaasoo dhaliyay khasaaro nafeed.

Tiro badan oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa la aaminsan yahay inay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-Shabab.

Somaliweyn