Xukuumadda Somaliya oo dowladda Kenya ugu baaqday iney joojiso tacadiyada ay ku heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed

0
905

WasiirkaAwqaafkaRidwanXirsiXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ugu baaqday in la joojiyo tacadiyada iyo gabood fallada lagula kacayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, kuwaas oo xaalado adag ay soo wajaheen todobaad yadii ugu dambeeyay.

R/wasare ku xigeen Ahna Wasiirka Diinta iyo awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Max’ed ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dowladda Kenya ka dalbatay iney joojiso habka guracan oo ay ula dhaqmeeyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda.

Sidoo kale R/wasaare ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dowladda Kenya ugu baaqday iney joojiso tacadiyada iyo gaboodfallada ay kula kaceyso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Owqaafta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladda Kenya ay tixgelindoonto baaqyada dowladda, isagoo dhinaca kalena ummadda Soomaaliyeed ka dalbaday iney xukuumadda kala shaqeeyaan arrimahaasi.

Radio Muqdisho