Yuusuf Xasan Cabdi oo ah Xildhibaanka degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee Isniintii ka dhacay xaafadda ay Soomalidu degto ee Islii.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in qaraxyada ay dhaceen xilli ay Soomaalida deggan xaafadda Islii ku tashadeen inay wax ka qabtaan dhibaatada nabadgelyo la’aanta ee ka jirta xaafadda.
Wuxuu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in ay jiraan xoogag ujeeddadoodu ay tahay inay maja-xaabiyaan oo ay baabi’iyaan, isla markaana ay barakiciyaan dadka Soomaalida ee degan xaafadda.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka codsan doonaan inay badbaadiso nabadgelyada, nolosha iyo hantida dadka Soomaalida ah ee Islii deggan.
Ciidanka booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran ka wadda xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ku baadi-goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadii isniintii ka dhacay waddada 12-ka.