Al Shabaab oo go’doomiyay Magaalooyinka Garbahaareey iyo Xudur

0
965

AlshabaabBaraawa2Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa go’dooomiyay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka laga helayo Magaalooyinka Garbahaareey Gobolka Gedo iyo Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku soo warramayaa in dhaq dhaqaaqa al Shabaab ay go’doomiyeen islamarkaana is hortaag ku sameeyeen Gar gaarkii iyo Maciishadihii gaari lahaa Magaalooyinkaasi.

Go’doonka saaran Magaalooyinkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay sababtay sara u kaca Maciishada iyo xaalad nolol xumo oo la soo daristay dadka shacabka ah.

Dhanka kale Ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaq Ciidan ay ka billaabeen degmadaasi si ay uga saaraan daafaha Magaaladaasi Xoogaga Al Shabaab.

 

Shabelle