Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in la soo badbaadiyay 30 qof ooa y afduubteen kooxda Al-Shabaab Al-Qaacida.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya, Maxamed Saalax Annadiif ayaa qoraal uu soo saaray oo loou talagalay saxaafadda ku sheegay in la soo badbaadiyay 30 qof oo qaad ka dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay xog ay heleen ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba in ay u suurtagalisay in dadkaas ay soo badbaadiyeen.
Wuxuu sheegay in dadkaas loo sii waday magaalada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe.
Wuxuu sheegay oo kale in dadkaan iyagoo bad qaba ay hadda ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Inta badan qaadka la geeyo Kismaayo ayaa lagu qaadaa diyaarad oo dhulka lama marsiiyo maadama deeganno badan oo Jubbooyinka ay gacanta ku hayaan Shabaab.
Warkii.com