Al-Shabaab oo sheegatay qaraxyadii Jabuuti

0
766

AlshabaabBaraawa1Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday maqaayad ku taalla caasimadda Jabuuti, kaas oo ay ku dhinteen saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen kuwii is qarxiyay iyo muwaaddin u dhashay dalka Turkiga.

Labo qarax ayaa lagu weeraray maqaayad caan ku ah dadka dalxiiseyaasha ah iyo saraakiisha ammaanka Reer Galbeedka ee dalka ku sugan. Sidoo kale, 11 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka.

Al-Shabaab ayaa ugu hanjabtay dalka Jabuuti weerarro kale haddii aysan ciidankeeda kala bixin Soomaaliya, sidoo kalena aanay dalkeeda ka saarin ciidanka Faransiiska ee saldhigga ku leh halkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku bar-tilmaameedsaneysay ciidanka Faransiiska ee ku sugan Jabuuti, iyadoo sheegtay inay uga aargudeysay xasuuqa lagu hayo Muslimiinta ku nool dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa xaqiijisay in dhowr qof oo muwaaddiniinta ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Bar-kulan