Al-Shabaab oo u hanjabay Gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday

0
832

AlshabaabBaraawa1Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay beegsanayaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dhib badan u geysteen shacabka.

Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay bartilmaameedsan doonaan cid walba oo shacabka reer Muqdisho dhibaato u geysatay.

“Kuwii Gudoomiyeyaasha ahaa ee xilalka laga qaaday umadii aad dhibteen ma noqon dootaan wax la iska ilaabay, ku tala gala wax aad geysateen in la idinka gudi doono”ayuu yiri Cali Maxamed Xuseen.

Mar uu soo hadal qaaday qaraxii shalay uu ku dhintay C/kaafi Hilowle Cismaan oo ahaa Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay inuu ahaa nin ay in muddo ah ku daba jireen.

“Ninkaas ku magacaabanaan jiray Xoghayaha Gobolka Banaadir hadana u diyaarsanaa xil kale muddo dheer ayay mujaahidiinta ku daba jireen, alle ayaana waafajiyay mujaahidiintii ka dambeysay howl galkiisa”ayuu yiri Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inay ugaarsan doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo sheegay in xildhibaankii shalay ka bad baaday qaraxa gaariga loogu xiray aysan tiisa gelin, balse ay dhici doonto maalin tiisa gasha sida uu yiri.

Hadalkan goodinta ee ka soo yeeray Al-Shabaab ee ku aadan inay beegsanayaan Gudoomiyeyaashii degmooyinka ee xilalka laga qaaday ayaa ku soo beegmaya, iyadoo inta badan xilalka laga xayuubiyay Gudoomiyeyaasha.

Jowhar