Kalfadhiga afaraad kulankiisa 26aad ee golaha Shacabka ee uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayna soo xaadireen 128 mudane ayaa kulankii maanta waxaa looga hadlayay labo ajande oo kala ah u codeynta Heshiiskii Shirkadda FAVORI ee ay Xukuumadda la gashay iyo mooshin ka dhashay dooddii su’aal wadareedkii Wasiirka arrimaha gudaha.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa qeybtii hore ee shirka bilaabay u codeynta heshiiska ay Xukuumadda la gashay Shirkadda FAVORI, iyadoo heshiiskaasi ay xildhibaanno gaaraya 96 ay ka soo horjeesteen, halka 13 u codeeyeen in Shirkadda FAVORi ay shaqadeeda sii wadato, waxaana ka aamustay 19 mudane, waxaana uu guddoonka Shirka Mudane Mahad Cabdallada Cawad ku dhawaaqay in tirada xildhibnaananda ee maanta codeysay ay gaarayso 128 mudane, islamarkaana uusan dhameyn kooramkii loo baahnaa in lagu codeeyo, islamarkaana dib loo dhigay.
Intaasi kaddib mudanayaasha baarlamaanka ayaa guda galay ajandaha labaad ee shirka oo ahaa mooshin laga keenay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, kaasi oo ka dhashay dooddii su’aal wadareedkii ay xildhibaannadu waydiiyeen Wasiirka kal hore markii uu baarlamaanka hortegay, iyadoo xildhibaannada mooshinka ka keenay Wasiirka ay tiradoodu gaarayso 65 mudane.
Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane Maxamed oo ka mid ah xildhibaannadii mooshinka soo diyaariyay ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay waxa uu mooshinkaasi ka dhashay, oo uu ku sheegay inay tahay magacaabista guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada dalka iyo arrimo kale, waxaana uu guddoonka u soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xilka Wasiirka arrimaha gudaha.
“Markii aan aragnay qodobka 69aad ee dastuurka KMG ah ee cadeynaya awoodda golaha shacabka, markii aan aragnay qodobka 4aad ee sareynta sharciga oo qeexaya u hogaansiga Xukuumadda iyo hagitaanka hal abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dowladda oo dhan, markii aan aragnay qodobka labaad xarafkiisa H.D iyo K ee xeer hoosaadka golaha shacabka, markii aan aragnay in Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ah uu si bareer ah u garab maray sharciga maamulada degmooyinka iyo gobollada dalka, sharci nombar, 116 ee soo baxay 6/8/2013” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane
Qaar ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka oo ka hadlay dooda mooshinka ayaa qaarkood waxa ay soo jeediyeen in xilligan aan loo baahneyn in mooshin laga keeno Wasiirka arrimaha gudaha, halka kuwa qaar ay soo jeediyeen inay taageersanyihiin mooshinkaasi.
Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in doodda ay sii amba qaadi doonaan maalinta berri ah, waxaana uu soo xiray shirka.
Bar-kulan