Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Fuad Mohamed Alzorqah oo ah Siihayaha Safaaradda Yemen ee Soomaaliya, waxaana kulanka dhexmaray ay uga hadleen Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal dib u soo nooleynta guddiga wadaagga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Yemen.
Danjire Fuad Mohamed Alzorqah ayaa mudadii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay ka howlgelinta dalka Soomaaliya markii ugu horeeyay diyaaradda Alsaciida ( Felix Airways) oo isaga kala gudbi doonta Magaalooyinka Sanca, Muqdisho iyo Hargeysa, taasoo la filayo inay fududeyso isku gudbidda iyo safarada muwaadiniinta Soomaaliya, Yemen iyo dadka daneeya arrimaha labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falan-qeeyay iskaashi balaaran oo dhexmara labada dowladood oo ku aadan la dagaalanka argagaxisada oo dhibaatooyin ba’an u kala geystay labada shacab.
Danjire Fuad Mohamed Alzorqah Siihayaha Safaaradda Yemen ee Soomaaliya ayaa gudoonsiiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri Mohamed Hamza dhambaal uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen H.E. Dr. Abubaker Alqirbi oo ka hadleysa arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.
Kulankani ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan oo isfaham leh.