Kulan qada sharaf ah oo uu soo agaasimay ambassador Mohamed Abdalla Idris oo ah Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, laguna qabtay Hotel Shamo ee Magaalada Muqdisho, laguna cazuumay dhammaan danjirayaasha carabta ee ka howlgala Soomaaliya , ayaa waxaa kala qeybgalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo Xildhibaan Sharif Mohamed Sidi oo ka mid ah Xubnaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka qadada oo si heer sare ah u dhacay , ayaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo danjirayaasha carabta ay isku xog wareysteen , taasoo qeyb ka ah sare u qaadida Xiriirka caalamiga si gaar ah xiriirka joogtada Wasaaradda la leedahay Safiirada ka howlgala Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Qadadani ayaa waxaa ka mid ah danjirayaasha ka qeybgalay Safiirada iyo Siihayayaasha Safaaradaha Saldanada Oman, DJabuuti,Sudan, Masar, Libya, Yemen, Wakiilada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Ururka Bisha Cas ee Qatar iyo diblomaasiyiin kale.
Kulanka qadada ayaa ku dhammaaday jawi farxad ay ku dheehan tahay.