Buri Hamza iyo Alamin Abdelkarim oo ka wadahadlay gargaar bani’aadanimo oo laga fuliyo Soomaaliya

0
1063

BurciXamzaAndSudanAmb20140514Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee dalka Soomaaliya ambassador Alamin Abdelkarim Ibrahim oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal arrimaha ammaanka, kordhinta deeqaha waxbarasho dowladda Suudaan ay ugu deeqdo Soomaaliya, arrimaha caafimaadka iyo gargaarka bani’aadanimada.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu ka codsaday dowladda Suudaan iyo hey’adaheeda gargaarka inay caawinaad u sameeyaan dadka ku nool gobolada iyo magaalooyinka dhowaan laga xoreeyay kooxda nabad diidka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay dib u dhisidda kaabayaasha wadanka ee ku burburay dagaalada si gaar ah isbitaalada, iskuulada iyo goobaha adeegga bulshada.

Dhankiisa, Siihayaha safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya ayaa muujiyay in dowladda Suudaan aaney ka gaabin marnaba taageerida Soomaaliya, isagoo sheegay in codsiga baahiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu u gudbin doono dowladiisa si ay uga jawaabto.