Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ahmed Mohamed Adam oo ah Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya , iyadoo kulanka looga hadlay balaarinta gargaarka cunno iyo dawo ee Ururka uu gaarsiiyo Soomaaliya.
Kulankani ayaa waxaa sidoo kale lagu faaqiday dib u dejinta barakacayaasha iyo fulinta heshiisyadii hore u kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ka codsaday Ururka Iskaashiga Islaamka inuu kaalin balaaran ka qaato tababaridda,tayeynta iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha kala duwan ee dowladda, iyo fulinta mashaariic horumarin oo kala duwan oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Kulankani oo jawi heer sare ah ku dhacay ayaa ku idlaaday farxad iyo guul.