Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa mudane Javad Dehghan Lotfabadi oo ah Siihayaha Safaardda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga balaaran ee dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya.
Siihayaha Safaaradda Iran ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay la leeyihiin xiriir dhow oo saaxiibtinimo iyo walaalnimo, isagoo xusay inuu rajeynayo sare u qaadida xiriirkaasi.
Mudane Javad Dehghan Lotfabadi ayaa muujiyay in Xukuumadda Tehran ay diyaar u tahay tababaridda diblomaasiyiinta Soomaaliya, tababaridda shaqaalaha kala duwan ee dowladda iyo ka qeyb-qaadashada mashaariicda dib u dhiska dalka.
Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kaga mahadceliyay Iran taageeradii ay ku deeqi jirtay Soomaaliya kahor gobonimada dalka iyo gargaarkii bani’adanimo ee ay ka fuliyeen dalka seddex sano kahor, isagoo soo dhoweeyay balan-qaadka Xukuumadda Tehran ee tababaridda shaqaalaha dowladda, waxa uuna ka codsaday Iran inay si toos ah uga qeyb gasho dib u dhiska dalka iyo gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka iyo gobolada dhowaan laga xoreeyay kooxda nabad diidka.
Kulankani ayaa ku dhammaaday jawi wanaagsan , iyadoo la isku afgartay in booqashooyin rasmi ah ay is dhaafsadaan mas’uuliyiinta kala duwan ee labada dowladood.