Cali Dheere “Xildhibaanada Alle ha u towbad keenaan, hadaad yeelina meel walba la idinku beegsan doonaa”

0
948

ShabaabBarawaCiidaAfhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Dheere ayaa mar kale digniin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii xoogag hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay shalay weerareen xarunta Baarlamaanka.

Cali Dheere oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in sidii loogu tala galay ee ay u qorsheeyeen uu u dhacay, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay alle u towbad keenaan hadii kale meel walba ku ugaarsan doonaan.

” Waxaa uga digeynaa mar labaad, mar saddexaad Xildhibaanada inay Alle u soo noqdaan, hadii aad taas sameynin mar walba naga fisha weerar soo noq noqda, koox koox ayaa la idinku imaan doonaa, afar afar, darbiyada, luuqyada iyo laamiyada ayaa la idinku beensanayaan hadaad alle u towbad keenin”ayuu yiri.

Cali Dheere ayaa sheegay in Xildhibaanada wax aan sharciga alle aheyn ay dalka ku maamulayaan, isagoo ku eedeeyay inay ogolaadeen wax kasta oo xumaan ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Alle u towbad keena oo wax aad ku jirtaan ka soo laabta, waxa aan sharciga alle aheyn ayaa dalka ku dhaqsiin, waxaa ogolaateen wax kasta xumaan, umada in la gaaleysiiyo, dadkooda la laayo”ayuu yiri Cali Dheere.

Mar uu soo hadal qaaday qasaaraha weerarka ayuu xusay in askar isugu jira, saraakiil iyo ciidamada AMISOM ay ku dileen weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa horay u weerartay xarumaha hey’adaha ugu sareysa dalka, sida Xarunta Maxkamada, Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka, waxaana ay weerarkan ku soo beegeen, xilli xiisado siyaasadeed uu dhaxeeyo Xildhibaanada iyo Madaxweynaha.

Jowhar