Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadweynaha Buuhoodle ee gobolka Togdheer inay ilaaliyaan nabadda iyo midnimada.
Cali Khaliif ayaa ka hadlayay dibadbax ka dhacay magaalada Buuhoodle oo boqollaal dadweynaha ku dhaqan ay asaga ku soo dhoweynayeen booqashada uu ku tegay magaalada.
Wuxuu socod ku maray suuqyada iyo qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Buuhoodle.
Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye oo isna ku sugan magaalada ayaa kormeeray xarumaha caafimaadka ee Buuhoodle.
Xagla-toosiye ayaa warbixinno ka dhageystay howlwadeennada caafimaadka, kuwaas oo soo bandhigay baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanka.
Wuxuu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada, isagoo dhinaca kalena dhagax-dhigay xarun uu sheegay inuu ka dhisi doono machad lagu baarto cilmiga caafimaadka.
Bar-kulan