Ciidamada ammaanka oo si degdeg ah uga jawaabay weerarkii Baarlamaanka

0
942

QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_1Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa sheegay inuu weerarkii maanta lagu qaaday xarunta Baarlamaanka ahaa mid ay soo maleegeen kooxo dhagar qabayaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM sida degdegga ah oo ay uga jawaabeen weerarka ka dhacay xarunta Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in dhammaan xubnaha Baarlamaanka la xaqiijiyay halka ay ku sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga markii weerarka ismiidaaminta ah lagu qaaday afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka, wuxuuna hadda shir lagu xoojinayo ammaanka kula jiraa madaxda sare ee hay’adaha amniga.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu yiri:

“Waxay argagixisadu maanta mar kale muujiyeen inay cadow ku yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyagoo dil ku wada walaalheenna aan waxba galabsan. Ficilladan fulaynimada ahi sal iyo raad midna kuma lahan diinteenna Islaamka.

“Ciidamada amnigu waxay muujiyeen iska caabin xoog leh, waxaana ay wali ka shaqeeynayaan inay sugaan amniga aagga.

“Anigoo ku hadlaya magaceeyga, kan Madaxweynaha iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta. Waxaan sidoo kale Ilaahay uga baryaynaa inuu siiyo caafimaad taam ah dadkii ku dhaawacmay.

“Weerarkan iyo ismiidaaminta ay wadaan nabad-diidku kama joojinayaan Xukuumadda Federaalka inay sii waddo ugaarsiga argagixisada iyo inay ka horjoogsato xumaanta ay damacsan yihiin.”

QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_2 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_3 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_4 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_5 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_6 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_7 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_8 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_9 QaraxBarlamaankaSomaaliya20140524_10