Howlagallo lagu sugayay amaanka magaalda Muqdisho oo ay hor kacayeen sarakiisha ammaanka ayaa Xalay ka dhacay magaalda Muqdisho.
Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fulinayeen Booliiska dowlada iyo kan AMISOM islamarkaana ay horkacayeen saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay laga sameeyay isgoysyada magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliye G/Dhexe Qaasin ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkaasi lagu xaqiijinayay ammaanka caasimada dalka ee Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in howlgalka lagu soo qabtay dad la rumeysanyahay iney ku lug leeyihiin falal amnidarro ah iyo hub kala duwan.
Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkani uu sii socon doono tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka caasimadda.
Radio Muqdisho