Ciidamada Booliska oo Baaritaan ka wada Gaalkacyo

0
788

GaalkacyoCiidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa saakay baaritaano ka wada xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo shalay lagu weeraray taliyaha qeybta booliska ee Mudug Gaashaanle Sare Siciid Dheere iyo ciidamado la socday.

Kooxo hubeysan ayaa shalay bamboo ku tuuray gaari uu la socday taliyuhu waxaana loo soo qabtay weerarkaas laba qofood oo ay baarayaan ciidamada ammaanku sida uu Radio Muqdisho u sheegay guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Muuse Nuur.

Wariyaha Radio Muqdisho ee magaalada Gaalkacyo Cabdirisaaq Maxamed Axmed ayaa ku soo warramaya in Ciidamada boolisku ay saakay baaritaano ka wadaan xaafadda Garsoor . saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay ciidamadu raadinayaan dadkii ka dambeeyay weerarkii shalay.

Bishan kowdeedii ayay kooxo hubeysan weerareen guri uu xaafaddaas ka deggan yahay wasiirka warfaafinta Galmudug Xasan Ruush Xasan, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay hal qof oo ka mid ah qoyska wasiirka.

Radio Muqdisho