Ciidamada Jubba iyo Ciidanka dowladda oo ku dagaalamaya Baladxaawo

0
922

ciidamadaDowladaWararka aan ka heleyno degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in dagaal khasaaro sababay uu ku dhexmarayo degmadaasi Ciidamada dowladda iyo Kuwa Maamulka Jubba.

Dagaalka ayaa ka soconaya Kontaroolka Waqooyi ee degmadaasi Baladxaawo ee Gobolkaasi Gedo waxana illaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka ayaa la isugu adeegsanayaa Hubka nuucyadiisa kala duwan sida Kuwa Fud Fudud iyo Madaafiicda Goobta oo saameyn ku leh shacabka ku dhaqan degmadaasi Baladxawo.

Guddoomiyaah Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dagaalka uu u dhexeeyo Ciidamada dowladda iyo Maamulka KMG ah ee Jubba oo uu sheegay in ay soo weerareen degmada

Wixii faah faahin ah ee ku soo kordha dagaalkaasi halkaan Shabelle.net kala soco.

Shabelle