Ciidamada oo Howlgallo ka Wada Degmada Maxaas

0
1012

AlshabaabLaQabteyCiidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxa ay kusoo qabqabteen in ka badan 20 dhalinyaro ah oo la xiriirinayo iney ka tirsan yihiin Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa Radio Muqdisho qadka taleefoonka ugu sheegay in howl-galladaan looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degmada oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa dadka la soo qabtay isugu geeyay saldhigga Booliska, ayadoo tilmaamay in baaritaano lagu sameyn doono dad lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab oo ku jira dadka la soo qabtay.

Degmada Maxaas ammaankeedu wuxuu ahaa mid sugan tan iyo markii laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dhibaatada ka wada gobollo badan oo ka mid ah waddankeena.

Radio Muqdisho