Colaad ka jirta Matabaan oo xal laga gaaray

0
1039

Matabaan20140530_1Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay soo gebogabeeyeen colaad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo la hadlay Radio Bar-kulan ayaa sheegay in maamulka gobolka Galgaduud, kan Ahlu sunna iyo Odayaasha dhaqanka oo gacan ka helaya maamulka gobolka Hiiraan ay ku guuleysteen in ay is hor fariisiyaan oo ay heshiis dhax dhigeen horjoogeyaal ka kala socday labada malleeshiyo beeleed ee ku dagaallamay degmada Matabaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ammaanka degmada ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ee degmada, isaga oo xusay in degmada ay ka saareen dhinacyadii ku dagaallamay halkaas.

Dagaalka labada malleeshiyo ku dhex maray degmada Matabaan ayaa la xiriira jid gooyo ay labada malleeshiyo dhigteen qaybo ka mid ah gudaha degmada.
Afar qof ayaa ku dhimatay 6 kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal labo malleeshiyo beeleed ku dhex maray degmada Matabaan 18-kii bishan aynu ku jirno.

Guddoomiyaha gobolka Gal-gaduud, ayaa ugu baaqay shacabka gobolka in ay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo amniga si loo meel-mariyo qorshayaasha horumarineed ee laga wado gobolka.

 

Bar-kulan