In kabadan 30 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, iyadoo maamulka gobolkaasi uu ku eedeeyay inay soo abaabuleen dagaalkaasi argagaxisada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid gaadmo ah oo ay soo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in ciidamada deegaanka ay markii dambe iska caabiyeen, maadaama ay Shabaabku doonayeen inay .
“Abaaro 5:00 am ayay soo weerareen deegaanka Aato weerarkaasi waxa uu socday 5:00 am ilaa iyo 8:00 am, qasaaro badan ayaa soo gaartay shacabka deegaanka Aato, halka Shabaabka laga dilay in ka badan 10 ka tirsan maleeshiyadii weerarka soo qaaday, welina waxaan wadnaa xiriiro aan la sameynay dadka deegaankaasi ku sugan” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bakool.
Maxamed Cabdi Tool ayaa tilmaamay in maleeshiyada Al-Shabaab ay caadeysteen inay weeraro gaadma ah ku qaadaan goobaha ay ku suganyihiin ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah, waxaana uu intaa ku daray in maamulkooda uu jawaab cad ka bixin doona dhibaatadaasi loo geystay dad aan waxba galabsan.
Radio Muqdisho