Dagaal Culus oo Al Shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray Degmada Qoryooley

0
1024
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka laga helayo Gobolka Sh. Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ururka Al Shabaab uu Dagaal Culus ku dhexmaray Magaalada Qoryooley ee Gobolka Sh. Hoose.

Dagaalkan oo ka dhacay Buundada Qoryooley ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerar gaadmo ahaa ku qaadeen Kolonyo ay wateen Ciidamada Nabad Ilaalada u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Inkastoo Dagaalka uu jiro hadana waxaa ilaa iyo iminka aan la shaacin Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray Dagaal yahanada Al Shabaab iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh. Hoose ayaa dhawaan waxaa Al Shabaab gacan ku heyteeda kala wareegay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero Militari ka helya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shabelle