Dagaal ka dhacay Buurdhuubo iyo Nabadoon lagu weeraray Beledxaawo

0
897
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Itoobiya ee AMISOM, kuwa dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Buur-dhuubo, halkaasoo horay lagala wareegay Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa yimid, markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku lahaayeen duleedka Buurdhoobo, waxaana la isweydaarsaday hub culus.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro qasaare ka dhashay dagaalka, iyadoo dadka deegaanka ay ku waramayaan in dagaalka muddo uu socdo, hubka iyo madaafiicda la is dhaafsanayay ay aad u maqlayeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada iyo dagaalada ay ku qaadayeen deegaanada lagala wareegay.

Dhinaca kale Nabadoon caan ah ayaa la sheegay in lagu weeraray degmada Beledxaawo, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ka jirtay xiisado, waxaana nabadoonka la sheegay in weerarkaas uu ka bad baaday.

Kooxo Hubeysan ayaa nabadoodnka ku weeraray hoygiisa, balse waxaa markii dambe u soo gurmaday ciidamo deegaanka ah oo caabiyay kooxihii hubeysnaa ee soo weeraray Nabadoonka oo lagu magacaabayay Idiris Maxamed.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii degmada Beledxaawo lagu dilay nabadoon caan ahaa, iyadoo maalmo kadib uu ka dhacay degmada dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo labo dhinac kala ahaa.

Jowhar