Dagaal ka dhacay deegaanno Hoostaga degmada Qoryooleey

0
872
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in dagaal aad u culus oo khasaaro sababay uu ku dhexmaray deegaanno ka fod degmadaasi Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac walow aan la cayimin.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kadib Markii Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka ambabaxay degmada Qoryooleey kuna sii jeeday deegaanno kale oo Shabeelaha Hoose ka tirsan oo Al Shabaab ay Maamulaan taas oo keentay in dagaalamayaal Al Shabaab ka tirsan weerar ay dhabaha ugu galaan.

Weli Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Labad dhinac ee ku dagaalamay deegaanadani ku dhow dhow degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shabelle