Dagaal ka dhacay Degmada Qoryooleey

0
845
Markacadeey.com

Markacadeey.comCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Weerar ku qaaday Fariisimo Maleeshiyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose ,gaar ahaan Degmada Qoryooleey.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Weerarka ku Qaaday Tuulo Degmada Qoryooley u jirta 8KM,oo Al-shabaab ay iska soo abaabylayeen.

Max’ed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Warkii u xaqiijiyey Dagaalka,waxaana uu sheegay in ay Khasaaro gaarsiiyeen Al-shabaab.

Sargaalka ayaa intaa ku daray in Seddex ka tirsan Dagaal yahanada Al-shabaab ,ay dagaalka Xalay ku dileen,kuwa kalana ay ku dhaawaceen sida uu sheegay.

“Tuulada aan weerarnay Al-shabaab ayaa iska soo abaabulayey,si ay Degmada Qoryooleey u soo Weeraraan,Ciidamada ayaa Xogtaas helay,oo Weerarka kala hormaray”sidaa waxaa yiri Max’ed Ciise.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, wali wax war ah oo Dagaalka Xalay ka dhacay Degmada Qoryooley Tulo u dhaw ka mahadil.