Dagaal Mar kale ka dhacay Xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

0
944

AlshabaabWararka aan ka heleyno deegaanka Atto ee xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku soo warramaya in mar kale uu ka dhacay dagaal aad u culus oo u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dagaalka oo ahaa mid aad u qadhaadh ayaa la isugu adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo aan illaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaankaasi Atto ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ku soo warramaya in Ciidamo aad u fara badan oo kuwa Milatariga dowladda Ethiopia ah ay halkaasi soo gaareen.

Xaaladda ayaa iminka ah mid yara degan walow mar kasto la filan karo dagaal marka loo eego dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira deegaanka iyo Nawaaxigiisa.

Shabelle