Danjiraha Somalia ee Dalka Kenya oo booqday Maxaabiis Soomaali ah oo xaaladooda laga dayrinayo

0
806

Iyadoo ay weli socdaan howlgalada ay wadaan ciidamada booliska ah ee dalka Kenya ay ku soo qab qabanayeen dadka sharci darrada ku jooga dalka Kenya gaar ahaan xaafadaha ay soomaalidu ku badantahay ee islii ayaa maanta Masuulyiinta Safaarada Soomalia ee Dalka keenya oo uu hogaaminayey Amb Ameeriko ay booqdeen Soomaalida ku xiran garoonka diyaaraha ah ee Jomo Kenyatta.

Safiirka ayaa gudaha u galay xabsiga si uu ula hadlo dadkaasi kadib markii ay ka soomeen cuntada muddo dhowr maalmood ah waxaa uu war galiyey in todobaadkan gudihiisa dib lagu celin doono magaalada muqdisho ee caasimadda dalka.

“ …. Dowlada Kenya waxaanu ka codsanay in dadka soomaaliyeed ee sida sharcida ah ku joogay oo ku xiran xabsiyada laga dhaafo ganaaxa iyo xariga dowlada Somalia lagu soo wareejiyo si dalka dib loogu celiyo …. “

“ ….. Sidaad ogtihiin hada ka hor waxaanu 3 jeer ayaanu dhoofinay boqolaal dad ah oo ku xirnaa xabsiyada insha allah kuwan waxaanu dhoofineynaa beri ama beri danbe … “

“ …. Dabcan xabsi meel fiican maahan meesha ay ku jiraan waa qolal aad u yar dadka ku xirana aad ayey u dhibanyihiin waana ku dadaaleynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in aanu ka dhoofino dalka … “

“ … Waxaan rabaa dadka soomaaliyeed inaan talo siiyo waaniyo in ay danbi tahay in dal ka baxsan kaaga si sharci darro ah aad ku joogtaan ardeyda waxaa la siiyaa viso ardeynimo kan ganacsadahana waa la siyaa viso ganacsi sidoo kale qaxootiga oo la siinayo kaararka qaxootiga marka waxaan rajeyneynaa in dadkan xiran dib ugu celino magaala madaxda soomalia ee muqdisho … “

Danjiraha Somalia ee Dalka Kenya Amb.Mohamed ayaa ka warbixiyey waxaa ay kala kulmeen gudaha xabsiga isagoo ugu baaqay Soomaalida ku sugan Kenya in ay sharciyada dalka qaataan

Howlgaladan oo ay wadaan ciidanka dalka Kenya ayaa saameyn wayn ku yeelatay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi iyadoo laga dayrinayo xaalada beni aadinimo ee ay ku suganyihiin dadka ku xiran xabsiyada kala duwan ee Kenya.

Mokhtar Axmed Maxamed [ Big Boss ]
Nairobi,Kenya

CaliAmerica20140418_4 CaliAmerica20140418_2 CaliAmerica20140418_1