Danjire Ameeriko oo warbixin siiyay golaha wasiirrada

0
836

CaliAmerica20140411Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa shalay hortagay golaha wasiirada si uu uga warbixyo xariggii loo geystay qunsulka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Mudane Ameeriko oo wareysi siiyay Raadiyo Muqdisho ayaa sheegay inuu golaha gaarsiiyay cudur daar ay dowladda Kenya ka bixisay xariggii qunsulka iyo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaaniniinta Soomaaliyeed ee sharciga ku jooga waddanka.

Danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Kenya aysan howl galkan ku beegsanaynin Soomaalida oo kaliya balse uu ahaa mid ka dhan ah dadka ajaanibta ah ee dalka sharci darrada ku jooga. Wuxuu intaa ku daray in ay Kenya ballan qaaday inaysan howl galladu saameyn doonin dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa sharciga ku jooga waddankaas oo ay ku jiraan ganacsatada iyo ardaydu.

Saddex diyaaradood oo wada dad Soomaaliyeed oo ay dowladda Kenya waddankeeda ka soo saartay ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Inta badan dadkaas waxaa laga soo qabtay xaafadda ay Soomaalidu degto ee Eastlight (Islii).

Ciidamdada ammaanka ayaa xabsiga dhigay qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya Siyaad Maxamuud taas oo sababtay in dowladda Soomaaliya ay u yeerto danjiraha iyo qunsulka u fadhiyay waddankaasi.

Radio Muqdisho