Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay soo baxay Warar ku aadan in uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed kaa oo ka dhashay in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa doonaya in uu sameeyo isku shaandheyn kooban meeshana uu ka saaro qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee hada shaqeeya halka kuwa kalana uu doonayo in lagu sameeyo isku shaandheyn oo la isku badalo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha R/Wasaaraha ee ah in uu golaha Wasiirada kasaaro xubno kudhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wali taagan dooda iyo Khilaafka arintaasi ka dhashay.
R/Wasaare Cabdi Wali ayaa ku adkeesanaya hadiiba uu sameenayo isku shaandheyn in uusan dooneyn in golaha Wasiirada ay kusoo laabtaan xubno aan ka amarqaadan hadana kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo si aad ah ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya, waxa sidoo kale R/Wasaaraha diidan yahay in markale golaha Wasiirada uu kamid noqdo Wasiirkii Amniga ee is casilay.
Xubnaha uu muranku ka taagan yahay uuna doonayo R/Wasaaraha Soomaaliya in uu meesha ka saaro waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/Laahi Goodax Barre, Wasiirka Dastuurka Faarax Cabduqaadir , Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow, Wasiiru Dowlaha Maaliyada Cabdulaahi Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada Mahad Salaad iyo Xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada oon helin Magacyadooda.
Wasiiradan ayaa ah kuwa katirsan Xisbiga Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa ku shaqeeya Siyaasada Xisbigaasi balse aan ka tirsaneyn, R/Wasaaraha ayaana aad u dhaliilsan qaabka ay u shaqeeyaan Wasiiradan Xukuumadiisa kamidka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ku adkeesanaya in aan marnaba Liiska golaha Wasiirada laga saarin xubnahan ku dhaw dhaw, Madaxweyanha ayaana ka codsaday R/Wasaaraha in kaliya uu isku shaandheyn sameeyo balse aan xilka laga qadain Wasiirada hada shaqeeya.
Waxaa socda xalinta Khilaafka cuub ee soo shaac baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxaana wali la ogeyn halka uu saldhigan doonto arintan Siyaasadeed oo ka dhalatay iscasilaada Wasiirkii Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.
Warkii.com