Dilal si yaabo kala duwan oga dhacay Magaalada Muqdisho

0
951

TargetingAssasinationMagaalada Muqdisho ayaa Xalay waxa si yaabo kala Duwan loogu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Qof Shacab ah.

Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa Xalay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku Toogtay Askari ka mid ahaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa Warkii u sheegay in Askariga lagu Dilay Xaafada Ceymiska xili uu ku sugna Goobganacsi oo halkaa ku taala, kuwaas oo dilka ka dib Qorigii ka qaatay Askariga la dilay.

Dhanka kale Koox Dabley ah ayaa Degmada Holwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo Degmada si weyn looga yaqaano.

Wiilka ayaa waxaa magaciis lagu soo gaabiyey C/laahi Abaay,waxaana kooxo Bastoolado wata ay ka Toogteen Madaxa.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sidii caadiga ahaaba tagay goobta lagu dilay Wiilka Dhalinyaradaa,mana jirto cid ay Dilkaasi u soo qabteen.

Warkii