Diyaaradaha dalka Kenya ayaa barqadii maanta waxay duqeeyeen labo saldhig oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd duleedka magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Goob-joogeyaal ayaa u sheegay Bar-kulan in labo diyaarad oo miig ah ay gantaallo ku tureen labo saldhig oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd tuulada Maanyo-gaabo oo 15 km dhinaca waqooyi uga aaddan degmada Jilib.
Wararka ayaa sheegaya in hor-joogeyaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugnaayeen saldhigyada markii ay diyaaradaha duqeynta geysanayeen. Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay duqaynta, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada dadka ay waxyeellada soo gaartay.
Afhayeenka ciidanka Kenya Emmanuel Chirchir ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter wuxuu ku xaqiijiyay in diyaaradahooda ay ka dambeeyeen duqaynta ka dhacday duleedka Jilib.
Goob-joogeyaasha waxay intaas ku dareen inay jiraan labo gaari oo nooca dagaalka ah oo ku burburay duqaynta.
Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay duqayn ka geystaan qeybo ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.
Bar-kulan