Dowladda Federaalka oo mooskii ugu badnaa ka dhoofisay dekeda Muqdisho

0
2738

BananaDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mooskii ugu badnaa muddo Toban sano ah ka dhoofisay Dekeda Muqdisho, iyadoo loo dhoofiyay dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed Baafo ayaa sheegay in mooskan lagu sahminayo suuqyada qaliijka, isla markaana beeraley Soomaaliyeed iyo Ganacsato ay iska kaashadeen inay dhoofiyaan.

“Mooskan waa tijaabo, waxaa lagu sahminaya suuqyada khaliijka, si loo iib geeyo, mar walbana loo dhoofiyo, waxaa hadda Dekeda Muqdisho laga dhoofiyay ilaa 78-tan oo ah ilaa lix konteenar” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabada lagu dhoofiyay mooska ay sahli doonto in kheyraadka dalka ka soo go’a loo dhoofiyo dalka dibadiisa, isla markaana ay dib u soo laabato ganacsigii Soomaaliya ku laheyd caalamka.

“Mooskan waxaa laga kala keenay Balcad, Afgooye, Awdheegle iyo janaale”ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Beeraha.

Soomaaliya ayaa caan ku aheyd dhoofinta Mooska oo la geyn jiray dalal badan oo caalamka ah, iyadoo tanina ay dhiiri gelineyso wax soo saarka iyo kheyraadka dalka in loo iib geeyo dalalka caalamka.

Radio Muqdisho