Wasiirka biyaha ee maamulka Somaliland, Xuseen Axmed Cabdulle oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas iyo madaxda gobolka Togdheer ayaa furay ceelal iyo balliyo laga hirgaliyay deegaanno hoos taga gobolka.
Ceelasha oo ay tiradoodu gaareyso shan ceel oo ah kuwa lagu qodo riigga iyo balli ama war loogu talagalay in lagu kaydiyo biyaha roobka ayaa waxaa hirgalisay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Sayid Khaliifah oo ka mid ah mas’uuliyiinta Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo ceelasha ku wareejiyay maamulka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hirgelinta mashruuca, wuxuuna ballan-qaaday in ay biyo galin kale ay ka samaynayaan deegaannada oomanaha ah ee hoos taga maamulka Somaliland.
Xuseen Axmed Cabdulle ayaa ka mahadceliyay hirgelinta mashruuca biyo-galinta ah, wuxuuna codsaday gargaar dheeraad ah oo dhinaca biyaha ah.
Bar-kulan