Dowladda oo Lagu Wareejiyay Carruur la Qabtay Ayagoo loo Dhoofinayo Sacuudiga

0
939

CaruurLaRabeyInLaDhoofiyo20140527Carruurtan oo tiradoodu tahay 17 oo da’doodu u dhexeyso 4 -10 sano jir ayaa 14 kii bishan May maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa ay ku qabteen degmada Cadaado xilli carruurtan la sheegay in loo waday Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo qaar kamid ah Waalidiinta Carruurtan ay ku nool yihiin sida ay ku dooden dadkii la soday.

Carruurtan ayaa loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho waxaana mas’uuliyadda Carruurta la wareegtay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul bani’aadamka .

“Sababta ka dambeysay in carruurtaan la dhoofiyo iyo ciddii masuulka ka ahayd baaritaan kaddib ayaan sheegi doonaa, waana u mahad celinayaa dhammaan dadkii hor-istaagay in carruurtaan la tahriibiyo” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Bani’aadamka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Qorsheel ayaa sheegay in carruurtaan ay xaq u leeyihiin in loo celiyo waalidkood si ay ula noolaadaan hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay inaysan dhicin in mar labaad la dhoofiyo.

Carruurtan ayaa la sheegay in markii hore laga soo waday Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaga oo sida la sheegay ku sii jeeday Wadanka Sacuudi waxaana la socoday qaar kamid ah waalidiinta carruurtan inkastoo aysan la imaanin Muqdisho.

Radio Muqdisho