Dowladda Soomaaliya oo diyaarad u dirtay Baydhabo, si ay u soo qaado dhaawacyada qaraxii shalay

1
919

baydhabo2Iyadoo daawo la’aan laga soo sheegayo isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay diyaarad u dirtay, si ay u soo qaadaan dhaawcayadii ka dhashya qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay bartamaha Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa, isagoo tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii uga geeriyootay, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa fal waxashnimo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u dirtay diyaarad, si ay u soo qaado dhaawacyada halista ah, una helaan daryeel caafimaad, waxaana uu tilmaamay in dhaawacyada la keenayo Muqdisho.

“Waxaan diyaarad u dirnay Baydhabo, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halista ah, si ay u helaan daryeel caafimaad, Xukuumadeyda waxay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Dhaqaatiirta Isbitaalka baydhabo ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhaawacyada ku jira Isbitaalka ay xaaladooda halis yihiin, kadib markii si xun ugu dhaawacmeen qaraxa ismiidaaminta.

Qaraxii shalay oo la doonayay in lagu qaarijiyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay C/fataax Geesey ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro labaatameeyo ka badan.

Jowhar