Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay ka qeyb gasho shir arrimaha qaxootiga looga hadlayo, kaasoo maanta ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanayo.
Shirkan oo saddex geesood ahaa ayaa dib u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ka baaqsatay, waxaana uu dhex marayaa Qaramada Midoobey laanteeda u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo Kenya.
Warqad ay Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya u qortay Wasaarada Arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in xaalada haatan ka jirta Kenya iyo dhibaatada loo geysanayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas aanay suura gal ka dhigi karin in dowladdu ka qeyb gasho shirkaas.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inuu khilaafsan yahay qaabka dowladda Kenya kula dhaqmeyso qaxootiga Soomaaliyay xeerarka caalamiga ee arrimaga qaxootiga, gaar ahaan heshiiskii Geneva lagu saxiixay sanadkii 1951 iyo kii Midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray Qaramada Midoobey, Kenya iyo Soomaaliya uu ku xadgudbayo qaabka ciidamada Kenya kula dhaqmeen qaxootiga Soomaaliyeed, ee lagu qab qabanayo magaalada Narobi, loona dhoofinayo Muqdisho.
Heshiiskaas ayaa dhigayay in gudi saddex geesood ah oo la sameeyay ay ka shaqeeyaan sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga, taasoo ku timaada rabitaakooda, hase ahaatee waxaa muuqata in Kenya ay xoog ku musaafurineyso qaxootiga Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore safiirkeedii u fadhiya Kenya ugu yeertay Muqdisho, si wada tashi ay ula yeelato, kadib markii Ciidamada Kenya ay xireen qunsulkii Safaarada Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxamuud Shire, taasoo ka dhalatay caro weyn.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa hoos u sii dhacaya, iyadoo wali ciidamada Kenya ay ka wadaan Xaafada Islii howl galada lagu raafayo Soomaalida, kuwaasoo boqolaal ka mid ah ay xabsiyada ku jiraan, xaalado nolol xumo ku heysato.
Jowhar