Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa sheegay in qasaarihii ka dhashay qaraxyadii Nairobi ka dhacay ay sii korartay oo xilgani dhimashada ay mareyso 3 qof halka dhaawacna uu marayo 62 qof sida Shaqaalaha gurmadka deg dega ah ay warbaahinta u shegeen.
Qaraxyadda ayaa shalay galinkii danbe ka dhacay Magaalada Nairobi kadib markii laba bas lagu qarxiyay gudaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Basaska waxay marayeen wadada weyn ee Thika, ee isku xirta caasimadda iyo gobolada Bariga iyo waqooyiga Kenya.
Booliska iyo warbaahinta Kenya ayaa xaqiijiyay weeraradan lagu qaaday gawaaridan ay sababeen in dhamaan labadii bas ay burburaan.
Booliska ayaa qaraxyadda kadib soo waxayna sheegayaan in ay baarayaan qaraxa ka dhacay wadada Thika, meel ku dhow hoteel caan ah iyo suuq ganacsi oo Nairobi ku yaala.
Kenya ayaa horey ugu eedeysay weeraro kuwan lamid ah inay ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab ee Al-qacidda xiriirka la leh ee ka dagaallanta Somaliya.
Weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Kenya waxa uu ahaa kii lagu weeraray dhismaha ganacsiga ee westgate, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.
Qaraxyadda Nairobi ayaa ku soo beegmaya xili habeen ka hor Afar qof aya ku dhimatay qaraxyo kuwan lamid ah oo ka dhacay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, waxayna weeraradan imaanayaan bil kadib howlgalo ay dowladda sheegtay inay amniga ku xoojineyso oo loogu magac daray (USALAMA WATCH) oo ah nabada ilaali.
Ma jirto cid sheegatay Weerada Nairobi iyo Mombassa ka kala dhacay , iyadoo ay xusid mudantahay in qaraxyadii Mombassa ay Ciidamada Boliisku ku edeeyen in ay ka danbayso Xarakada Shabab wallow AL-Shabaab aysan sheegan.
Shabelle